Muqdisho (Banaadir24) — Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Gorgor, Danab iyo cutubyo kale oo gaar ah, ay ku sii dhowaanayaan degmada Buurhakaba, iyadoo xaaladda amni ee magaalada iyo deegaannada ku dhow ay kacsan tahay.
Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu barqadii maanta ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Jameeco iyo degmada Buurhakaba, kaas oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan Al-Shabaab. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay dagaalka kaga gacan sarreeyeen xubnihii kooxda, hase yeeshee faahfaahin madax-bannaan oo ku saabsan khasaaraha labada dhinac weli lama hayo.
Dhanka kale, wararka laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in xubnihii Al-Shabaab ee ku sugnaa magaalada qaarkood ay ka baxeen gudaha degmada, iyagoo la sheegay inay u dhaqaaqeen duleedkeeda. Xaaladda dhabta ah ee magaalada iyo cidda gacanta ku haysa weli waxay u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah.
Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in Buurhakaba uu ka bilowday barakac xooggan, iyadoo dad badan ay ka baxayaan guryahooda sababo la xiriira cabsi laga qabo in dagaalku ku faafo gudaha magaalada.
