Muqdisho (Banaadir24) – Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay socdaan dadaallo xiriir iyo wadatashi ah oo lala yeelanayo dhinacyada lagu casuumay gogosha Wadatashiga Qaran, iyadoo diyaar-garowga shirka uu marayo heerar kala duwan.
War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada, oo maanta oo Sabti ah ku taariikhaysan Muqdisho, ayaa lagu sheegay in xiriirrada lala leeyahay dhinacyada la casuumay ay qayb ka yihiin diyaarinta shirka, kaas oo la filayo in dhawaan si rasmi ah loo furo.
Gogoshan wadatashi ayaa waxaa fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 26-kii Oktoobar 2026, iyadoo la doonayo in dhinacyada siyaasadeed ee lagu casuumay ay ka qaybgalaan wadahadallada.
Madaxtooyadu ma aysan shaacin taariikhda rasmiga ah ee furitaanka shirka, balse waxay xaqiijisay in gogosha ay dhawaan furmi doonto.

