KISMAAYO (Banaadir24) – Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa wareegto rasmi ah ku magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Labaad ee Dowladda Jubaland.
Wareegtada oo maanta oo ay taariikhdu tahay 14-ka Nofeembar 2026 ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubaland, laguna xusay tixraaca XM/DJS/145/2026, ayaa xilka loogu magacaabay Mukhtaar Sheekh Axmed Cabdulle.
Magacaabistan ayaa lagu saleeyay awoodaha dastuuriga ah ee Madaxweynaha, gaar ahaan Cutubka 4-aad, Qodobka 67-aad, Farqaddiisa 5-aad ee Dastuurka Dowladda Jubaland, taas oo siinaysa Madaxweynaha awoodda magacaabista xubnaha Golaha Fulinta.
Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay qayb ka tahay dadaallada lagu dhammaystirayo xubnaha Golaha Fulinta ee Dowladda Jubaland.
Wareegtadan ayaa dhaqan-galaysa marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowladda Jubaland.
