Markab laga leeyahay dalka Pakistan oo laga Afduubtay Xeebaha Puntland

Koox burcad-badeed ah ayaa saacadihii u dambeeyay afduubtay markab ganacsi oo marayay xeebaha degmada Banderbayla ee gobolka Bari, Puntland. Markabkan oo la sheegay in uu u socday dekedda Garacad ayaa sida shidaal.
Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in markabka laga leeyahay dalka Pakistan, isla markaana ay saaran yihiin 11 shaqaale ah oo u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan. Afduubka ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel qiyaastii 30 mayl u jirta xeebta Banderbayla.
Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in markabka hadda lagu hayo deegaanka Dharinbaar oo ka tirsan isla degmadaas, halkaas oo burcad-badeeddu ay ku sugan yihiin.
Dhanka kale, kooxda afduubka geysatay ayaa wajahaysa cadaadis isa soo taraya oo uga imanaya dadka deegaanka iyo maamulka Puntland. Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in burcad-badeeddu ay suuragal tahay inay ka tanaasulaan haynta markabka, maadaama uu u raran yahay ganacsato Soomaaliyeed.
Dhacdadan ayaa imaneysa xilli dhowaan, gaar ahaan bishii Maarso, ay koox kale oo burcad-badeed ah lacag madax-furasho ah ka qaateen markab kalluumeysi oo ay hore ugu haysteen isla degmada Banderbayla.
Maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin afduubkan cusub, balse xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo la sugayo tallaabooyinka xiga ee laga qaadi doono.









