Shil Diyaaradeed oo ka dhacay Gudaha Dalka Kenya iyo wararkii ugu dambeeyay

Diyaarad ay leedahay shirkadda EBB Air oo nooca Embraer aircraft ah, diiwaangelinteeduna tahay 5Y-EBB, ayaa gashay shil yar kadib markii ay dhaaftay halka ay ku degto (runway-ga) xilli ay ku socotay duulimaad u dhexeeyay Mandera iyo Nairobi.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in diyaaradda ay si nabad ah uga baxday runway-ga, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah. Dhammaan rakaabkii iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ayaa la xaqiijiyay inay badqabaan.
Mas’uuliyiinta garoonka iyo hay’adaha duulista ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dhacdadan.
Dadka kunool Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Baria dalka Kenya ayaa aad uga naxay Shilkan Diyaaradeed, iyada oo goobta shilka ay hadda ku sugan yihiin laamaha Ammaanka Magaalada Mandheera iyo qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas.










