LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Deni oo Maanta tegaya Degmo ay u dhow yihiin Ciidamada Somaliland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciiid Cabdullaahi Deni, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Baran.

Safarkan ayaa imaanaya xilli ay weli ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland, iyadoo agagaarka degmada Baran ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan Somaliland. Inkastoo bilihii u dambeeyay ay jireen dadaallo lagu yaraynayo xiisadda iyo isku soo dhawaansho labada dhinac ah, haddana xaaladda ayaa weli u baahan feejignaan.

Ujeedka safarka Madaxweyne Deni ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro tababar uu u soo xirayo ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo muddooyinkii dambe tababar uga socday halkaas.

Inta uu ku sugan yahay Baran, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka hadlo xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda ISIS (Daacish).

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *