Madaxweyne Xasan Sheekh oo odayaasha Dhaqanka ka dalbaday inay soo farogeliyaan khilaafka DFS & Mucaaradka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay muhiimadda ay leeyihiin odayaasha dhaqanka, xilli uu ka qeyb galayay munaasabadda caleema saarka Ugaas Cabdirisaaq Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi Ugaas Faracadde.
Madaxweynaha ayaa sheegay in siyaasadda Soomaaliya ay mar walba leedahay is jiid-jiid iyo khilaafyo u baahan xal iyo dhexdhexaadin. Wuxuu tilmaamay in imaanshaha odayaasha dhaqanka ee munaasabadaha noocan oo kale ah ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xallin karo arrimaha taagan.
“Siyaasadda is jiid-jiid way leedahay, balse imaanshiyaha odayaasha dhaqanka waa fursad weyn,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in odayaasha dhaqanka ay qaataan doorkooda taariikhiga ah, isaga oo xusay in ay muhiim tahay in marka hore ay iyagu is wareystaan oo ay ka wada tashadaan xaaladda dalka, kadibna ay la kulmaan siyaasiyiinta si ay su’aalo uga weydiiyaan arrimaha jira.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in odayaasha laga sugayo in ay bixiyaan talooyin wax ku ool ah oo lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed, si loo helo xasillooni iyo is afgarad qaran.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo u baahan wada-tashi iyo doorka bulshada, gaar ahaan odayaasha dhaqanka oo laf-dhabar u ah xalinta khilaafaadka Soomaaliyeed.









