Ciidamo ka tirsanaa Puntland oo ku biiray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamo tiro badan oo hore uga tirsanaa deegaannada Puntland ay isu diiwaan geliyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa dagaalladii ka dhacay deegaanka Calmiskaad.
Ciidamadan ayaa la sheegay inay diideen inay sii hoos tagaan maamulka Puntland, arrintaas oo saameyn muuqata ku yeelatay xaaladdii dagaal ee Calmiskaad, halkaas oo la sheegay inuu hakad galay dagaalkii lagula jiray maleeshiyaadka Daacish.
Qaar ka mid ah ciidamadan ayaa horey uga tirsanaa cutubyo kala duwan oo Puntland ay diiwaan gelisay, gaar ahaan kuwa loo yaqaan PMPFTA, iyo sidoo kale ciidamo ka tirsanaa PSF-ta. Tallaabadan ay qaadeen ayaa muujineysa isbeddel cusub oo ku yimid jihada ciidamada qaarkood.
Maamulka Puntland weli si rasmi ah ugama hadlin arrintan, hase yeeshee waxaa loo arkaa su’aal culus oo hor leh oo soo wajahday hoggaanka maamulkaas, gaar ahaan marka la eego xaaladda amni iyo midda siyaasadeed ee ka jirta deegaannadooda.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmo ka hor sheegay inuu haysto ciidamo uu kula dagaallami karo cid kasta oo weerar kusoo qaadda, balse hadda waxaa muuqata in qaar ka mid ah ciidamadii uu ku faanay ay u wareegayaan dhinaca Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay sii xoojiso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland, isla markaana ay saameyn ku yeelato dagaallada ka socda deegaannada waqooyi-bari ee dalka.









