LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamadii Laftagareen oo Gudaha u galay Degmada Doolow

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, oo maalmahan ku sugnaa deegaanka Bohol Garas, ay gaareen Degmada Dooloow.

Ka hor inta aysan ciidamadu halkaasi gaarin, waxaa subaxnimadii hore ee maanta Dooloow soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliyihii hore ee Asluubta, Generaal Mahad oo loo yaqaan “Taliye Shub”, waxaana wehlinayay Wasiirkii Amniga Koonfur Galbeed iyo Afhayeenka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamo iyo wadahadallo ay dhexmareen dhinacyada kala duwan, kuwaas oo qaatay waqti dheer, ka hor inta aan ciidamadii ku sugnaa Bohol Garas loo oggolaan inay u dhaqaaqaan dhanka xadka.

Ciidamada ayaa la sheegay inay ka soo gudbeen aagga xad-beenaadka ee u dhow Dooloow Ado, iyagoo ugu dambeyn gudaha u galay Degmada Dooloow.

Sidoo kale, ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in ciidamadan loo sameeyay xeryo ku meel gaar ah oo ay degi doonaan, inta laga sugayo isbeddello ku yimaada xaaladda deegaanka.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira Gobolka Gedo, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ujeedada rasmiga ah ee keenista ciidamadan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *