Muqdisho (Banaadir24) – Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro ay ku sheegtay inay muujinayaan gaadiid dagaal, hub iyo saanad milatari oo ay ku qabsatay weerar jid-gal ah oo shalay ka dhacay duleedka saldhigga milatari ee Ballidoogle, gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ka dhacay nawaaxiga deegaanka Iidoow-Jallaad, duleedka Yaaqbariweyne, xilli kolonyo ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Danab ay kasoo baxday saldhigga Ballidoogle.
Al-Shabaab ayaa warsaxaafadeed ay baahisay ku sheegtay in weerarkaasi ay khasaaro xooggan ku gaarsiisay ciidamada Danab, iyadoo sheegatay inay dishay ugu yaraan 17 askari.
Sidoo kale, kooxda ayaa sheegatay inay gacanta ku dhigtay hub, saanad milatari, diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn (Drone) ah iyo laba gaari oo dagaal, kuwaas oo mid ka mid ah uu ku rakibnaa qori Dhashiike ah.
Sawirrada ay Al-Shabaab soo bandhigtay ayaa muujinaya agabka ay sheegtay inay ku qabsatay weerarka, hase yeeshee sheegashooyinka ku saabsan khasaaraha ciidamada iyo tirada dhimashada ayaan weli helin xaqiijin madax-bannaan.

