LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Galmudug oo Caawa Wasiiro cusub Magacaabay

Wareegtada oo summadeedu tahay Lr. 303, kuna taariikheysan 23/04/2026, ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid baahida loo qabo buuxinta xilalka bannaan iyo dardargelinta howlaha shaqo ee hay’adaha dowladda.

Wasiirrada la magacaabay

Madaxweynaha ayaa si rasmi ah u magacaabay:

  1. Cabdi Sacdi Jaamac (Cabdixafiid) – Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada
  2. Cabdixakiin Maxamed Diiriye – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
  3. Maxamuud Axmed Maxamed – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka

Wareegtada ayaa sidoo kale xustay in dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug looga baahan yahay inay la shaqeeyaan wasiirradan cusub si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa faray in wareegtadan ay dhaqan gasho marka uu saxiixo, iyadoo isla markiiba la fulinayo.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Galmudug ee lagu xoojinayo maamulka iyo adeegyada bulshada ee deegaannada hoos yimaada maamulka.

Screenshot

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *