Fahad Yaasiin oo weerar Afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh & Ra’iisul Wasaare Xamse

Siyaasiga Soomaaliyeed isla markaana agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha xilka haya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo hoggaan xumo.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hanti badan lunsaday intii uu xilka hayay teeramkiisii hore, isla markaana uu hadda ku daray hanti kale muddada uu mar labaad talada dalka hayo. Eedeyntan ayaa qeyb ka ah hadallo culus oo uu si toos ah ugu dhaliilay hoggaanka sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa si adag u dhaliilay Ra’iisul Wasaaraha dalka, isaga oo ku tilmaamay masuul aan lahayn awood go’aan qaadasho, isla markaana aan wax muuqda ka qaban howlaha dowladda. Wuxuu intaas ku daray in haddii Ra’iisul Wasaaruhu sii joogo xilka marka uu dhammaado muddo xileedka dowladda, ay taasi muujin doonto in uu ka been sheegay aragtidiisa siyaasadeed iyo himilooyinkii uu hore u qabay.
Hadalka Fahad Yaasiin ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo dhaliilaha loo jeedinayo madaxda sare ee dowladda, iyadoo la filayo in hadalladan ay sii hurin karaan doodaha la xiriira hannaanka hoggaaminta iyo isla xisaabtanka siyaasadeed ee dalka.









