Muqdisho (Banaadir24) — Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in duqeymo dhanka cirka ah uu ka fuliyay saddex goobood oo ka tirsan Soomaaliya, kuwaas oo lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo howlgalladan ay dhaceen intii u dhexeysay 13-kii ilaa 15-kii November 2026.
War-saxaafadeed uu AFRICOM soo saaray 19-ka November ayuu ku sheegay in duqeymaha lagu fuliyay deegaanno kala duwan oo dalka ka tirsan, kuwaas oo kala ah agagaarka degmada Leego oo qiyaastii 114 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, Yora Lafagari oo qiyaastii 160 KM galbeed kaga beegan magaalada Jilib iyo degmada Jamaame oo qiyaastii 47 KM waqooyi-bari kaga beegan magaalada Kismaayo.
AFRICOM ayaa xusay in duqeymahan ay fuliyeen iyagoo la kaashanaya dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay sii socon doonto wada-shaqeynta kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Xoogga Dalka ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Taliska Mareykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay khatar ku yihiin shacabka iyo amniga Soomaaliya, guud ahaan gobolka iyo sidoo kale muwaadiniinta iyo ciidamada Mareykanka ee dibadda ku sugan.
Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeedka AFRICOM laguma faahfaahin khasaaraha ka dhashay duqeymaha, mana shaacin tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay ama lagu dhaawacay weerarradaas.
