Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa Soomaaliya ugu baaqday in si taxaddar iyo hubin dheeraad ah leh loo wado qorshaha dib loogu soo celinayo Shilinka Soomaaliga, kaddib in ka badan 35 sano oo dhaqaalaha dalka uu si weyn ugu tiirsanaa doollarka Mareykanka.
IMF ayaa sheegtay in dib-u-habaynta lacagtu ay u baahan tahay diyaar-garow buuxa iyo in la xaqiijiyo xasilloonida nidaamka maaliyadeed ka hor inta aan la hirgelin.
Qorshaha Soomaaliya ayaa ah in Shilinka Soomaaliga dib loogu soo celiyo lacag sharci ah.
IMF waxay sidoo kale ku boorrisay dowladda Soomaaliya inay xoojiso kaydka lacagaha qalaad, maamulka maaliyadda dowladda iyo awoodda Bangiga Dhexe si loo ilaaliyo qiimaha iyo kalsoonida lacagta.
Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe wadday diyaar-garowga dib-u-soo-celinta lacagta qaranka, iyadoo qorshuhu yahay in lacagta cusub ay beddesho waraaqihii hore ee Shilinka Soomaaliga ah.
IMF ma aysan diidin qorshaha lacagta cusub, balse waxay ku adkaysay in dib-u-habaynta lagu sameeyo taxaddar iyo diyaar-garow dhammeystiran.
