Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    12 October 2026

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Golaha Wasiirrada oo go’aanno culus ka gaaray amniga, doorashooyinka iyo Ebola
    LATEST NEWS

    Golaha Wasiirrada oo go’aanno culus ka gaaray amniga, doorashooyinka iyo Ebola

    Banaadir24By Banaadir248 October 2026No Comments3 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, caafimaadka, doorashooyinka, ganacsiga iyo arrimo kale oo muhiim ah.

    Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa looga dhagaystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, warbixin ku saabsan doorashooyinkii qof iyo cod ee ka qabsoomay Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, kuwaas oo si guul ah ku soo dhammaaday, iyadoo Goluhu bogaadiyey habka dimoqraadiga ah ee ay dadweynuhu ugu dareereen doorashada, taas oo qayb ka ah dadaallada Xukuumadda ee la xiriira fulinta Dastuurka Jamhuuriyadda oo maraya marxalado kala duwan.

    Kulanka Wasiirrada ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan faa’iidooyinka lagu helay ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taas oo xubinimadeeda laga dhaxlay in ardayda Soomaaliyeed ay jaamacadaha ku dhigtaan qidmadda go’an ee Bariga Afrika, halka dalxiisayaasha aan laga qaadin lacagaha ajaaniibta kale. Sidoo kale, ganacsatada iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ay fursad u heleen in aan lala tiigsan xeerar cusub oo dalalka qaar ku mamnuuceen ajaaniibta.

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ah ayaa warbixinta ku sheegtay in ku biirista Bulshada Bariga Afrika ay dadkeenna u fududeysay arrimaha degenaanshaha, socdaalka iyo caafimaadka, waxa ayna intaas ku dartay in markii ugu horreysay Soomaaliya loo sameeyay qoondo shaqaalaha joogtada ah ee Bulshada Bariga Afrika.

    Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa soo jeedisay warbixin ku saabsan xaaladda cudurka Ebola iyo tallaabooyinka looga hortagayo in cudurku soo gaaro dalka. Warbixinta kadib, Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay qaraar ku saabsan sidii looga diyaar-garoobi lahaa cudurka safmarka ah ee Ebola, waxaana loo saaray guddi ka kooban 6 Wasaaradood oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jibriil Xaaji Cabdi, waxana ay kala yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Amniga, Arrimaha Dibedda, Gaadiidka, Warfaafinta iyo Xannaanada Xoolaha.

    Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa iyaduna Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka uu marayo geeddi-socodka ku biirista Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO), oo soo socday muddo 10 sano ah, kaas oo maraya meel gebogebo ah, Soomaaliyana ay dhammaystireyso dhammaan shuruudihii looga baahnaa, oo ay ka mid tahay jaangoynta tariifooyinka badeecadaha dibedda ka yimaadda iyo dhismaha hay’ado maamul.

    Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Golaha Wasiirrada kula dardaarmay in la dardargeliyo hawlaha Xukuumadda DanQaran horyaalla ee mudnaanta u leh iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Qaranka, si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda ee sanadkan, gaar ahaan adeegyada la doonayo in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed.

    Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay Guddiga Shirkadda Kalluumaysiga Qaranka oo ka kooban 9 xubnood, kadib soo jeedinta Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleIMF oo Soomaaliya uga digtay qorshaha lacagta cusub, shuruudo adagna ku xirtay…
    Next Article Ciidamada Laftagareen oo Qansax Dheere la wareegay iyo Ciidanka Dowladda oo…
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    12 October 2026

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026

    Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…

    12 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka

    By Banaadir2412 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus

    12 October 2026

    Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…

    12 October 2026

    Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…

    12 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay maalinta Calanka
    • Hub ka dhigis iyo muddo-xileed muran ku jiro: Xasan Sheekh oo wajahaya su’aalo culus
    • Koonfur Galbeed oo ciidan xooggan geysay Awdiinle iyo Bardaale kadib markii…
    • Khayre oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu Muqdisho u horseedayo dhiig cusub…
    • Sheekh Shariif oo ka jawaabay eedeymaha NISA

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d