Sawirro:- Ciidamadii Laftagareen oo hub iyo Gaadiid la tegay Xadka Itoobiya iyo wararkii ugu dambeeyay

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ay gaareen deegaanka Boholgaras oo ku dhow degmada Luuq.
Ciidamadan ayaa la sheegay in shalay laga hor istaagay inay si toos ah u maraan gudaha magaalada Luuq, kaddib markii ay ka dhasheen cabashooyin iyo xiisado amni. Taas beddelkeeda, ciidamadu waxay doorteen waddo kale oo wareeg ah, iyagoo la sheegay inay u jiheysteen dhinaca xadka Itoobiya.
Intii lagu guda jiray saacadihii la soo dhaafay, waxaa socday wadahadallo u dhexeeyay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin masuuliyiin heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed, si xal looga gaaro xaaladda kacsan ee ka dhalatay dhaq-dhaqaaqa ciidamadaas.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in ugu dambeyn la isku afgartay in ciidamadan lagu dejiyo deegaanka Doolow Baay, oo qiyaastii 70-km u jira halka ay hadda ku sugan yihiin ee Boholgaras. Si kastaba ha ahaatee, weli si rasmi ah looma shaacin goobta saxda ah ee la dejin doono ciidamadan.
Dhanka kale, warar kale ayaa tilmaamaya in ciidamadu ay suurtagal tahay inay u gudbaan gudaha Doolow ee dhanka Soomaaliya, inkastoo aan weli la helin xaqiijin rasmi ah oo arrintaas ku saabsan.
Xaaladda Gobolka Gedo ayaa weli kacsan, iyadoo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada iyo isbedelada siyaasadeed ay sii kordhinayaan walaaca laga qabo amniga iyo xasilloonida gobolka.










