DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Senetor Cabdi Ismaaciil Samatar

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u difaacday xiriirka ay la leedahay dowladda Turkiga, iyadoo sheegtay in Ankara aysan ahayn gumeyste, balse ay tahay saaxiib muhiim ah oo taageero muuqata siiya Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray Senetar Cabdi Ismaaciil Samatar, kaasoo ku tilmaamay heshiisyada difaaca iyo baarista shidaalka ee Soomaaliya iyo Turkiga ay wada saxiixdeen “gumeysi cusub”.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaasi uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana uusan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee ku saabsan xiriirka labada dal. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkiga uu yahay dal si weyn u ixtiraama madaxbannaanida, midnimada iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

“Turkiga waa saaxiib istiraatiiji ah oo mar walba garab istaaga Soomaaliya, gaar ahaan xilliyadii adkaa. Heshiisyada aan la galnay waa kuwo si buuxda ugu saleysan danaha qaranka, mana jirto wax gumeysi ah oo ku jira,” ayuu yiri Wasiir Daahir Shire.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in heshiisyada dhinacyada difaaca iyo shidaalka ay muhiim u yihiin horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan xoojinta amniga iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoojisay iskaashiga ay la leedahay Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka. Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga taageera Soomaaliya dib u dhiska iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *