Xukuumadda Soomaaliya oo u digtay Dhalinyarada la Shaqeysta mucaaradka

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa fariin toos ah u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, isagoo uga digay in aan lagu marin habaabin xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin waqti lagu “shaqeysan karo” dhallinyarada, isaga oo tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ku baaqaya in la abaabulo dhalinyaro, balse ujeedkoodu yahay in dib loogu laabto doorashooyinkii dadbanaa ee horey dalka uga dhacay.
“Waxaan arkay qaar kamid ah saaxiibada mucaaradka oo leh keena dhalinyaro, balse waxay rabaan in dalka dib loogu celiyo nidaamkii doorashada dadbaneyd,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in xilligaan ay dhalinyarada Soomaaliyeed gaareen heer ay si wanaagsan u fahmeen siyaasadda iyo xaaladda dalka, isla markaana aysan fududeyn in lagu qaldo hadallo aan sal lahayn.
“Maanta dhalinyarada wax walba way fahmeen, lagumana qaraaban karo si sahlan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah siyaasiyiinta inay doonayaan in dhalinyarada loo adeegsado sidii “buundo” looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee jira, isagoo ugu baaqay dhalinyarada in ay feejignaadaan oo aysan noqon aalad lagu gaaro dano gaar ah.









