Muqdisho (Banaadir24) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa ammaanay hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in Soomaaliya ay haysato hoggaamiye awood u leh inuu dalka gaarsiiyo isku-filnaansho iyo madax-bannaani dhinac kasta ah haddii uu helo fursad kale.
Fiqi oo ka hadlayay xaaladda siyaasadeed iyo tan guud ee dalka ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha lagu qiimeeyo marxaladaha kala duwan ee ay dalka soo mareen iyo waxqabadkooda, isagoo xusay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu leeyahay karti uu Soomaaliya ku gaarsiin karo heer ay isku filnaato.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Soomaaliya ay wajahdo faragelin shisheeye iyo duullaanno uu sheegay in lagu hayo dowladnimada dalka, isagoo dhaliilay siyaasiyiinta doonaya inay xukunka qabtaan balse aan si cad uga hadlin arrimahaas.
Hadallada Fiqi ayaa imaanaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay dood siyaasadeed oo la xiriirta mustaqbalka hoggaanka dalka, madax-bannaanida qaranka iyo faragelinta shisheeye.
