LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo Madaxda JSP kala hadlay doorashada Hir-Shabeelle

Madaxweynaha  Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, ayaa caawa hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay xubnaha fulinta ee Xisbiga Cadaallada iyo Wadajirka (JSP), kulan diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha doorashooyinka xisbiga.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Hirshabeelle iyo xisbiga JSP, oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Guddoomiye hore Yuusuf Xuseen Jimcaalle (Madaalle), Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu iyo Xildhibaan Dr. Maxamed Xaaji Axmed.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray sidii loo dardargelin lahaa doorashada Xisbiga JSP ee ka socota deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle, iyadoo la xoojinayo abaabulka iyo ka qeybgalka bulshada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, oo sidoo kale ka tirsan Golaha Sare ee Xisbiga JSP, ayaa xubnaha xisbiga ku booriyay inay laba jibbaaraan dadaalkooda ku aaddan horumarinta howlaha xisbiga iyo guulo laga gaaro doorashooyinka qof iyo codka ah.

“Waxaan idinku boorinayaa inaad dardargelisaan shaqada xisbiga JSP, isla markaana aad guulo ka gaartaan doorashada qof iyo codka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Dhinaca kale, deegaanada iyo degmooyinka Hirshabeelle ayaa waxaa weli ka socda diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo horay uu u daahfuray Madaxweynaha Hirshabeelle, si loo xaqiijiyo hirgelinta nidaamka doorasho ee qof iyo cod.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *