Dagaalkii cuslaa ee shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa banaanka soo dhigay faahfaahin cusub oo ku saabsan habka loo qaaday weerarka, kaddib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in dhinaca weerarka soo qaaday uu adeegsaday diyaarado drone ah oo walxaha qarxa lagu rakibay.
Arrintan ayaa noqon karta mid ka mid ah faahfaahinta ugu muhiimsan ee dagaalkii shalay, maadaama adeegsiga drones-ka qaraxyada sida loo sheegay uu muujinayo in dagaalka Baydhabo uu galay marxalad cusub oo dhinacyadu adeegsanayaan habab weerar oo ka duwan iska horimaadkii hubka fudud iyo kuwa culus.
Warbaahinta Al Jazeera oo soo xigatay wakaaladda AFP ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya uu xaqiijiyay in weerarkii Baydhabo ay ku jireen gaadiid walxaha qarxa lagu rakibay iyo drones qaraxyo sida.
Warar kale oo ka soo baxay gudaha Baydhabo ayaa sheegay in drone qaraxyo lagu xiray lagu beegsaday xarun ciidan oo ku taalla bannaanka magaalada, iyadoo la sheegay in weerarka kaddib uu dab ka kacay goobta.
Maxaa muhiim ka dhigay dhacdadan?
Baaritaanka wararka la helayo waxay muujinayaa in dagaalku uusan ku koobnayn oo keliya dagaal fool-ka-fool ah.
Weerarka ayaa la sheegay inuu ku bilowday qaraxyo, kaddibna ay ciidamada weerarka soo qaaday gudaha magaalada u soo dhaqaaqeen. Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ciidamadeedu ay iska caabiyeen weerarka, halka dhinaca taageersan Cabdicasiis Laftagareen uu isna sheegay inuu gudaha magaalada ku qaaday howlgal militari. Labada dhinac waxay bixiyeen sheekooyin aad u kala duwan oo ku saabsan cidda bilowday weerarka iyo natiijada dagaalka.
