Doorka sii kordhaya ee Turkiga ee arrimaha milatariga iyo amniga Soomaaliya ayaa dhaliyay muran cusub, kaddib markii dhinacyo mucaarad ah ay Ankara ku eedeeyeen inay si toos ah uga qayb qaadatay dagaalladii ka dhacay magaalada Baydhabo.
Warbixin ay baahisay Turkish Minute, oo soo xiganaysa AFP, ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya lagu taageeray diyaarado dagaal oo Turki ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn intii uu socday dagaalkii cuslaa ee Baydhabo.
Ciidamada dowladda ayaa dagaalka kula galay xoogag daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kuwaas oo weerar ku qaaday magaalada.
Dhinaca Laftagareen ayaa ku eedeeyay Turkiga inuu ciidamada dowladda ka taageeray diyaaradaha F-16 iyo drones, halka qaar ka mid ah dadka deegaanka ay sheegeen inay maqleen ama arkeen duqeymo cirka ah oo ka dhacay duleedka Baydhabo. Si kastaba, Ankara si rasmi ah uma xaqiijin inay fulisay duqeymahaasi.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay eedeymo la xiriira weerar cirka ah oo bishii September ka dhacay Doolow, kaas oo lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan dhinacyada dowladda kasoo horjeeda.
Turkiga ayaa Soomaaliya ku leh joogitaan militari oo ballaaran, iyadoo tababar iyo qalab siinaya ciidamada Soomaaliya, halka xiriirka labada dal uu sidoo kale ku fidsan yahay dhaqaalaha, dekedaha, tamarta iyo iskaashiga amniga.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeymaha ku saabsan in Turkiga loo adeegsanayo khilaafka siyaasadeed ee gudaha dalka, waxayna ku tilmaantay qaar ka mid ah wararkaasi kuwo marin-habaabin ah.
Eedeymahan cusub ayaa kusoo aadaya xilli khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu sii xoogeysanayo.
