Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa mar kale kacsan, kaddib markii ilo kala duwan ay sheegeen in ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, lagu arkay xalay dhanka koonfur-galbeed ee magaalada.
Lama xaqiijin weli in ciidamadaasi ay yihiin kuwo dib isu abaabulaya ama ay wadaan diyaar-garow la xiriira weerar cusub oo lagu qaado magaalada.
Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed Joon, oo ka tirsan garabka Laftagareen, ayaa soo saaray digniin cusub oo uu shacabka Baydhabo ugu baaqayo inay magaalada ka baxaan, isaga oo sheegay in xaaladdu ay u muuqato mid halis gelin karta dadka rayidka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in dhinaciisa uu qorsheynayo inuu maalmaha soo socda u dhaqaaqo sidii uu dib ugu qabsan lahaa magaalada Baydhabo, wuxuuna shacabka uga digay inay ku sugnaadaan goobaha uu sheegay inay noqon karaan bartilmaameed.
“Waxaan rabnaa in shacabka ay ka baxaan Baydhabo. Ma dooneyno inay noqdaan dhibbanayaal,” ayuu yiri Wasiir Joon.
Wasiirku wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga inay qorsheynayaan weerarro lagu qaado goobo dadweyne oo ku yaalla magaalada, hase yeeshee ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymahaas.
Digniintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Baydhabo ay horay uga dhaceen dagaallo culus oo sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo weli aan si buuxda loo kala caddeyn xaaladda ciidamada ku sugan duleedka magaalada iyo tallaabada xigta ee dhinacyada iska soo horjeeda.
