LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Heshiis Caawa laga gaaray taageerada Aadan Madoobe ee musharaxnimada Koonfur Galbeed

Kulan caawa ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa lagu gaaray go’aan rasmi ah oo lagu taageerayo guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si uu u noqdo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
 
Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay in Xuseen Sheekh Maxamuud loo dalacsiiyo xilka Xoghayaha Guud ee xisbiga JSP, tallaabadaas oo loo arko mid ka tarjumeysa doorkiisa sii kordhaya ee siyaasadda gudaha, gaar ahaan arrimaha doorashada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa tilmaamaya in magacaabista iyo taageerada la isku raacay ay muujinayso in Xuseen Sheekh Maxamuud uu noqday shaqsi aan laga maarmin marka ay timaado abaabulka iyo hagidda qorsheyaasha la xiriira doorashada Koonfur Galbeed.

Go’aamada ka soo baxay kulanka ayaa imanaya xilli ay si weyn u kululaanayaan loollanka siyaasadeed iyo diyaar garowga doorashooyinka soo socda, taas oo sare u qaadaysa dhaq-dhaqaaqyada xisbiyada iyo madaxda dowladda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Villa Soomaaliya oo si faahfaahsan uga hadlaya natiijada kulanka, hase yeeshee xogaha la helayo ayaa muujinaya is-afgarad ballaaran oo laga gaaray arrimahaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *