Baydhabo (Banaadir24) — Ciidamada taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka baxeen fariisimihii ay ku lahaayeen gudaha degmada Berdale ee gobolka Baay, oo ay ku jirto saldhigga booliiska degmada, iyadoo laga cabsi qabo weerar ballaaran oo ay soo qaadaan ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee daacadda u ah Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Ilo dhanka amniga ah iyo mas’uuliyiin ka tirsan degmada Berdale ayaa sheegay in ciidamada dowladda la safan ay isaga baxeen fariisimihii ay ku sugnaayeen, xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo iska horimaad milatari oo ka dhaca degmada.
Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kaddib markii ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ee taabacsan Laftagareen ay la wareegeen gacan ku haynta degmada istiraatiijiga ah ee Buurhakaba, taas oo isbeddel ku keentay xaaladda amni ee deegaannada gobolka Baay.
Xaaladda Berdale ayaa weli ah mid kacsan oo aan la hubin, iyadoo ay isa soo tarayaan walaacyada laga qabo in ciidamada Koonfur Galbeed ee Laftagareen ay isku dayaan inay la wareegaan degmada, taas oo horseedi karta dagaallo hor leh oo u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya sababta bixitaanka ciidamada dowladda iyo in weerar cusub uu si dhab ah u qorsheysan yahay.
