Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo Maanta Xiran

Waxaa maanta xiran garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kadib markii roobab xooggan oo xalay ka da’ay magaalada ay sababeen in biyo fariistaan runway-ga (raanweeyga), taasoo hakisay gebi ahaanba dhaqdhaqaaqii duulimaadyada.
Wararka laga helayo garoonka ayaa sheegaya in aysan jirin wax diyaarad ah oo maanta ka duushay ama ku degtay, iyadoo maamulka garoonka uu ku wargeliyay rakaabkii qorsheynayay safarka in ay dib u dhigtaan ama raadiyaan waddooyin kale oo ay ku safraan.
Dadkii qorsheynayay inay maanta ka ambabaxaan Beledweyne ayaa loo sheegay inay kireystaan gaadiid dhulka ah, si ay ugu safraan degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ka heli karaan duulimaadyo kale. Sidoo kale, rakaabka ka imanayay Muqdisho ayaa lagu wargeliyay inay u diyaar garoobaan inay ku degaan garoomo kale oo ku yaalla Galgaduud, kadibna ay safar dhulka ah ku gaaraan Beledweyne.
Arrintan ayaa keentay jahwareer iyo culays dhaqaale oo ku yimid dadka safarka ahaa, kuwaas oo qaarkood lagu qasbay inay bixiyaan lacago dheeraad ah si ay u gaaraan meelihii ay u socdeen.
Xiritaanka garoonka Beledweyne ma aha mid cusub, balse waa dhibaato soo noqnoqota xilliyada roobabka, maadaama runway-ga uusan lahayn nidaam biyo-mareen oo ku filan. Sanad kasta marka roobabku da’aan ayaa garoonku noqdaa mid aan la adeegsan karin, taasoo si weyn u saameysa isu socodka dadka iyo ganacsiga gobolka Hiiraan.
Magaalooyin kale oo dalka ku yaalla ayaa leh garoomo casri ah oo u adkeysan kara xaaladaha cimilada, hase yeeshee Beledweyne ayaa wali la daalaa dhacaysa kaabayaal liita.
Qaar kamid ah bulshada ayaa dhaliil u jeediyay madaxda dowlad goboleedka HirShabeelle, iyaga oo ku eedeeyay inay ku fashilmeen dayactirka iyo casriyeynta garoonka diyaaradaha Beledweyne, inkastoo ay dhibaatooyinkani soo noqnoqdeen sanado badan.









