Subscribe to Updates
Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.
Author: Banaadir24
Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada qaranka ayaa waxaa ka qayb qaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka, Cirka iyo Badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si xirfad ciidannimo ku dheehan tahay u muujiyey sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.</p><p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muujiyay qiimaha taariikheed ee maalinka 12-ka Oktoobar iyo…
Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya su’aalo siyaasadeed oo la xiriira qorshaha hub ka dhigista mucaaradka iyo dadka kale ee haysta hub sharci-darro ah, kaas oo uu hadda doonayo inuu hirgeliyo kaddib markii uu ku guuldarreystay inuu arrintan ka dhabeeyo muddadii hore ee muddo-xileedkiisa sharciga ahaa. Dhaqdhaqaaqan ayaa imanaya xilli uu muran siyaasadeed ka taagan yahay muddo-xileedka madaxweynaha, xiriirka dowladda federaalka iyo mucaaradka, iyo jihada uu dalka u wajahayo marxaladda siyaasadeed ee xigta. Su’aasha ugu weyn ayaa ah sababta qorshaha hub ka dhigista aan mudnaantaas loo siin muddadii hore ee xukunka, iyo waxa keenay in hadda…
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay magaalooyinka Awdiinle iyo Bardaale ee gobolka Baay, iyadoo la doonayo in laga hortago falal amni-darro oo la sheegay inay qorsheynayaan maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo kooxda Al-Shabaab. Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ciidamo xooggan ay gaareen magaalada Awdiinle, oo ku dhow magaalada Baydhaba, halka ciidamo kale la geeyay magaalada Bardaale. Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee gobolka Baay, kaddib markii dhawaan ciidamada taabacsan Laftagareen ay la wareegeen degmada Diinsoor. Isbeddelka ku yimid gacan-ku-haynta degmadaas ayaa sare u qaaday…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa digniin culus ka soo saaray dhaqdhaqaaqyada ciidan ee uu sheegay in lagu beegsanayo guryaha ay Muqdisho ka deggan yihiin madaxda hore ee qaranka, isaga oo ka digay in tallaabooyinkaas ay dalka u horseedi karaan xasillooni-darro amni iyo qalalaase siyaasadeed. Khayre, oo qoraal uu soo saaray kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ayaa eedeymo culus u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku tilmaamay tallaabooyinka uu sheegay inay ka socdaan caasimadda kuwo abuuri kara jawi colaadeed oo halis gelin kara amniga Muqdisho. Ra’iisul wasaarihii hore ayaa sheegay in daandaansiga iyo dhaqdhaqaaqyada…
Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si cad u beeniyay eedeymo uu sheegay in Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay ka baahisay, kuwaas oo la xiriiray arrimo amni iyo xiriirro la sheegay in uu la leeyahay ciidanka qaranka. Qoraal uu maanta oo ay taariikhdu tahay 11-ka Oktoobar 2026 soo saaray xafiiska madaxweynihii hore, ayaa lagu sheegay in eedeymahaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana lagu doonayo in lagu dhaawaco sumcadda Shariif Sheekh Axmed, laguna marin-habaabiyo shacabka Soomaaliyeed. War-saxaafadeedka ayaa xusay in madaxweynihii hore uu mar walba u taagnaa ilaalinta amniga qaranka,…
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka ee Hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir. Falalkan, oo ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ka amar qaata Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed. Maleeshiyaadka ayaa isku dayay in ay ciidamada amniga ku riixaan iska hor-imaad hubeysan, balse ciidamada Ilaalada Shacabka ayaa muujiyay feejignaan iyo xilkasnimo, kana fogaaday tallaabo kasta oo horseedi kartay gacan-ka-hadal iyo waxyeello soo gaarta dadka rayidka ah. Caddeymaha ay…
Beledweyne (Banaadir24) —Kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay sawirro ay sheegtay in laga soo qaaday deegaanka Hees ee bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo ay sheegatay inay shalay dagaal kula wareegtay, kaddib iska horimaad ay sheegtay inay la gashay ciidamo deegaanka ku sugnaa. Sawirrada oo lagu baahiyey warbaahinta kooxda ee Al-Kataa’ib ayaa muujinaya rag hubeysan oo ku dhex sugan deegaanka Hees, iyagoo wata hub noocyo kala duwan leh. Kooxdu waxay sawirrada u adeegsatay inay ku muujiso joogitaankeeda deegaanka, hase yeeshee lama hayo xaqiijin madax-bannaan oo caddeynaysa xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta. Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalka ay ku dishay ugu yaraan…
Ciidanka Danab oo Jubbada Hoose ku dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab ah, mid kalena nolosha ku qabtay
Muqdisho (Banaadir24) — Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo la sheegay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kale gacanta lagu dhigay. Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel, oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidamada Danab ay beegsadeen goob la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Yarrow, kaas oo lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha sare…
Baydhabo (Banaadir24) — Ciidamada Daraawiishta ee daacadda u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhow yihiin inay la wareegaan degmada Diinsoor ee gobolka Bay, sida ay sheegeen saraakiil sare oo dhinaca amniga ah. Saraakiisha ayaa sheegay in ciidamo tiro badan oo wata mootooyin lagu arkay duleedka degmada Diinsoor, taas oo sare u qaadday suurtagalnimada in degmadaasi ay gacanta u gasho ciidamada taageersan Laftagareen. Haddii ay ciidamadaasi la wareegaan Diinsoor, waxay noqon doontaa degmadii labaad ee la sheegay inay gacantooda gasho, kaddib markii ay hore ula wareegeen degmada Qansaxdheere ee gobolka…
Bogga Facebook ee madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa la tuhunsan yahay in la jabsaday, kaddib markii lagu baahiyay qoraal xambaarsan farriin adag oo ku saabsan magaalada Baydhabo iyo dib ugu laabashada Laftagareen. Qoraalka lagu baahiyay bogga ayaa dhaliyay hadal-hayn, maadaama uu si toos ah ula hadlayay Laftagareen, isagoo adeegsanaya erayo adag oo ku saabsan inuu dib ugu laabto magaalada Baydhabo. Qoraalka ayaa u qornaa sidan: “LaftaGareenow, Baydhabo inaad kusoo laabato waa kaa xaaraan, Page kaagiina waa kan anaa ka dhex cashaynaya.” Farriintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan cidda ka dambeysa qoraalka iyo in qof…