Muqdisho (Banaadir24) — Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Yaaq-shabeel ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo la sheegay in lagu dilay xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab, halka mid kale gacanta lagu dhigay.
Howlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Yaaq-shabeel, oo qiyaastii 13 kiiloomitir u jirta deegaanka Kam-jaroon ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ciidamada Danab ay beegsadeen goob la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Yarrow, kaas oo lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa xubnaha sare ee Al-Shabaab kana howlgalayay deegaannada miyiga ah ee galbeedka gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale, ciidamada Danab ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Cabdifataax Maxamed, oo lagu tuhunsan yahay inuu ka tirsanaa Al-Shabaab kana howlgalayay isla gobolka.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku beegsanayaan xubnaha iyo goobaha ay Al-Shabaab ku leeyihiin deegaannada koonfurta dalka.
Ilaa hadda, faahfaahin dheeraad ah lagama helin khasaaraha kale ee ka dhashay howlgalka. Sidoo kale, si madax-bannaan looma xaqiijin faahfaahinta xilalka gaarka ah ee ragga la sheegay in la dilay iyo kan la qabtay.
