Muqdisho (Banaadir24) — Dalalka Turkiga, Sacuudiga, Masar iyo Qatar ayaa la sheegay inay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si cad ugu baaqeen inuu wada-hadal dhab ah la furo mucaaradka, isla markaana heshiis laga gaaro khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.
Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo dhinacyada arrintan ku lugta leh, dalalkan ayaa Madaxweynaha u sheegay muhiimadda ay leedahay in dowladda Federaalka iyo mucaaradka Madasha Samatabixinta ay gaaraan is-afgarad siyaasadeed, si mudnaan loo siiyo xaaladda amniga iyo geeddi-socodka kala-guurka dalka.
Wararkan ayaa soo baxaya maalin kaddib markii xubno ka tirsan mucaaradka Madasha Samatabixinta ay wada-hadallo la yeesheen xubno sirdoon oo ka socday dalka Masar, taas oo kusoo beegmaysa xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Afarta dal ayaa la sheegay inay hore ugu gudbiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh farriimo la xiriira baahida loo qabo wada-hadal dhab ah iyo in xal laga gaaro khilaafka doorashooyinka, iyadoo laga digayo in khilaafka siyaasadeed uu saameyn ku yeesho xaaladda amniga dalka.
Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay wajahayo caqabado dhaqaale iyo cadaadis siyaasadeed oo la xiriira khilaafka kala dhexeeya mucaaradka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaya faahfaahinta wada-hadalladan iyo farriimaha la sheegay in afarta dal ay u gudbiyeen Madaxweynaha.
