Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa booqashadan ku xoojinaya dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu adkeynayo xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka deriska ah iyo kuwa gobolka.
Booqashada Jabuuti ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku horumarineyso iskaashiga gobolka, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo ilaalinta danaha qaranka Soomaaliya iyo xoojinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

