Dowladda Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay ciidamo ka tirsan kuwa ku sugan Soomaaliya dib ugu celiso gudaha dalka, si ay uga qeyb qaataan dagaallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ka dagaallamaya Itoobiya, sida ay Bloomberg soo werisay.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Itoobiya ay wajahaysso xaalad amni oo sii adkaanaysa, iyadoo dagaallo culus ay dhowaan dib uga qarxeen waqooyiga dalka, gaar ahaan gobolka Tigray.

Wararka ayaa sheegaya in baahida loo qabo in ciidamo dheeraad ah lagu xoojiyo gudaha Itoobiya ay dowladda ku riixayso inay dib u eegto ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Itoobiya ayaa muddo dheer ciidamo ku lahayd Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ahaa dadaallada amniga iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa sidoo kale door muhiim ah ku lahaa dagaallada lagula jiro Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Haddii qorshahan si weyn loo fuliyo, waxaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho qaabka ciidamada Itoobiya uga howlgalaan Soomaaliya iyo qorshayaasha amniga ee gobolka.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa xilligan wajahaysa dagaallo cusub oo ka socda waqooyiga dalka, iyadoo ciidamada dowladda iyo xoogagga Tigray ay isku dhaceen, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda ay sii fido.

Bloomberg ayaa sheegtay in qorshaha Itoobiya uu qeyb ka yahay dadaal ay Addis Ababa ku doonayso inay ciidamo badan ugu jihayso dagaallada gudaha dalka.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version