Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay magaalooyinka Awdiinle iyo Bardaale ee gobolka Baay, iyadoo la doonayo in laga hortago falal amni-darro oo la sheegay inay qorsheynayaan maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo kooxda Al-Shabaab.

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee shalay ciidamo xooggan ay gaareen magaalada Awdiinle, oo ku dhow magaalada Baydhaba, halka ciidamo kale la geeyay magaalada Bardaale.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan dhaqdhaqaaqyada milatari ee gobolka Baay, kaddib markii dhawaan ciidamada taabacsan Laftagareen ay la wareegeen degmada Diinsoor. Isbeddelka ku yimid gacan-ku-haynta degmadaas ayaa sare u qaaday xiisadda amni iyo tan siyaasadeed ee ka taagan deegaannada gobolka.

Ciidamada la geeyay Awdiinle iyo Bardaale ayaa la sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay xoojinta amniga iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyo la tuhunsan yahay inay khatar ku yihiin xasilloonida deegaannadaas.

Awdiinle oo ku dhow Baydhaba iyo Bardaale ayaa ka mid ah deegaannada muhiimka u ah amniga gobolka Baay, iyadoo dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee halkaas ka socda ay imanayaan xilli xaaladda gobolka ay tahay mid isha si dhow loogu hayo.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version