Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka rasmiga ah ee Imtixaanka Qaranka ee sanad dugsiyeedka 2025/2026.

Wasaaraddu waxay dhammaan ardayda, macallimiinta, maamuleyaasha, waalidiinta iyo guud ahaan bahda waxbarashada la wadaagtay in Imtixaanka Qaranka sannadkan la qaban doono inta u dhexeysa 20-ka Juun illaa 25-ka Juun 2026.

Wasaaradda ayaa ugu baaqday ardayda u fariisanaysa imtixaanka inay si wanaagsan ugu diyaar garoobaan, islamarkaana ay xoojiyaan dadaalkooda waxbarasho si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan.

Sidoo kale, maamulka dugsiyada iyo waalidiinta ayaa lagu adkeeyay inay garab istaag u muujiyaan ardayda muddada imtixaanka lagu jiro, si loo helo jawi daggan oo waxbarasho iyo guul horseeda.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version