Muqdisho (Banaadir24) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin inay la wareegaan saldhigyada milatari ee ay banneynayaan ciidamada Uganda, xilli uu bilowday qorshaha ka bixitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, kaddib ku dhowaad labaatan sano oo ay dalka ka howlgallayeen.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa sheegay in dowladda aysan ka walaacsanayn in bixitaanka ciidamada Uganda uu saameyn taban ku yeesho xaaladda amniga dalka, isagoo xusay in ciidamada Soomaaliyeed loo diyaariyay inay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay dood ay baahisay BBC-da laanta Af-Soomaaliga, isagoo tilmaamay in dowladda ay muddo shan sano ah ku bixineysay dhismaha, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana askar dhowaan tababar dibadda ah ku soo qaatay ay dalka dib ugu soo laabteen.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ciidamada Uganda ay 15-kii bishan November si rasmi ah ugu wareejiyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed shan saldhig oo ku yaalla magaalada Baraawe iyo nawaaxigeeda, kuwaas oo ay ku jiraan saldhigyo ku yaalla dekedda iyo garoonka diyaaradaha.
Cabdifitaax ayaa sidoo kale ka jawaabay walaac uu xildhibaan Axmed Cabdi Kooshin ka muujiyay diyaar-garowga ciidamada Soomaaliyeed, kaas oo sheegay in qaybo ka mid ah Muqdisho, Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe ay weli amnigooda ku tiirsan yihiin ciidamada Midowga Afrika.
Wasiirka ayaa dhankiisa ku adkeystay in ciidamada Soomaaliyeed ay hoggaaminayeen howlgallo muhiim ah oo lagula wareegay deegaanno ay horay ugu sugnaayeen Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay howlgalladii laga fuliyay deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Xaradheere.
Dhanka kale, Uganda ayaa ku dhawaaqday in bixitaanka ciidamadeeda uu u dhacayo wejiyo kala duwan, iyadoo la qorsheeyay in dhammaan ciidamada Uganda ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa ka tirsan howlgalka AUSSOM, ay dalka ka baxaan dhammaadka sannadka 2027.
Uganda ayaa ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007, waxayna muddo dheer door weyn ku lahayd howlgalada lagu taageerayay dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee, bixitaanka ciidamada Uganda ayaa dib u soo nooleeyay doodda ku saabsan awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee la wareegidda amniga dalka, iyadoo ay weli jiraan walaacyo la xiriira awoodda ciidan, qalab, dhaqaale iyo khatarta weerarrada Al-Shabaab.
Waxaa hadda la sugayaa sida ay dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah u maareyn doonaan wejiyada xiga ee kala-guurka amniga, xilli ay sii kordheyso mas’uuliyadda saaran ciidamada qaranka.
