DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Somali Hubeysan oo 7 Qof oo kenyan ah hal Goob ku dilay & wararkii ugu dambeeyay

Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo Soomaali ah ay dileen ugu yaraan 7 qof oo ka tirsan qowmiyadda Mukambada, kadib weerar ka dhacay tuulada Tseikuru ee ka tirsan ismaamulka Kitui.

Deegaankan Tseikuru ayaa ah tuulada uu kasoo jeedo madaxweyne kuxigeenkii hore ee dalka Kenya, Kalonzo Musyoka.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook, Kalonzo Musyoka ayaa si kulul uga hadlay dhacdadan, isagoo dowladda ugu baaqay inay si degdeg ah gacanta ugu soo dhigto dadkii ka dambeeyay weerarka. Wuxuu tilmaamay in dadka lagu eedeeyay falkaasi ay yihiin xoolo-dhaqato.

Dhanka kale, warbixin ay soo saareen booliska Kenya ayaa lagu sheegay in dilkan uu u muuqdo mid la xiriira aano qabiil ama argoosi, maadaama toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen dhacdooyin kale oo la mid ah, kuwaas oo Mukambada ay ku dileen dad Soomaali ah oo ku nool isla gobolkaas.

Xiisadda u dhaxeysa Soomaalida iyo Mukambada ee ku nool qeybo kamid ah Kitui ayaa si isa soo taraysa u sii xoogeysaneysa, iyadoo falalkan isdaba joogga ah ay cabsi ku abuureen bulshada deegaanka.

Inta badan baraha bulshada ee Kenya ayaa sidoo kale waxaa si weyn looga falceliyay dhacdadan, iyadoo dad badan ay dhaliil u jeediyeen Soomaalida, taasoo sii hurin karta xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Dowladda Kenya ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin tallaabooyinka ay qaadi doonto, balse waxaa la filayaa in ciidamada ammaanka ay xoojiyaan howlgallada ka socda deegaannada ay xiisaddu ka jirto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *