LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne hore Farmaajo oo Maanta Warsaxaafadeed culus soo saaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in uu soo dhaweynayo baaqii nabadeed ee uu jeediyay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, kaas oo uu ku taageeray Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in madaxda dalka looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan xoojinta wada hadalka iyo ka fogaanshaha wax kasta oo keeni kara kala fogaansho, si loo helo xasillooni siyaasadeed iyo mid amni.

Sidoo kale, Farmaajo wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si dhab ah u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay mudnaanta siiyaan danta guud ee dalka, si looga gudbo caqabadaha jira.

Ugu dambeyn, wuxuu si gaar ah ugu baaqay madaxda dowladda iyo mucaaradka inay ixtiraamaan kaalinta odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kuwaas oo laf-dhabar u ah midnimada bulshada, islamarkaana door muhiim ah ka qaata xalinta khilaafaadka.

War-saxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu wajahayo xaalado siyaasadeed oo u baahan wadatashi iyo isu tanaasul si loo gaaro horumar waara.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *