LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Roobkii ka da’ay Muqdisho oo waddooyin badan xiray & Maamulka G.Banaadir oo ku fashilmay

Wararka laga helayo caasimadda Muqdisho ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay uu ka da’ay roob xooggan oo sababay biyo fariisin ballaaran, kuwaas oo si weyn u saameeyay isku socodka gaadiidka iyo nolol maalmeedka shacabka.

Roobkan ayaa biyo dhigay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, iyadoo meelaha ugu daran ee ay biyuhu fariisteen ay kamid yihiin Wadada Maka Al-Mukarama, wadada hormarta dekedda Muqdisho, Wadada Sodonka gaar ahaan agagaarka Daalo, iyo waddooyin kale oo muhiim u ah isu socodka dadweynaha.

Goobahaasi waxaa gabi ahaanba hakad galay dhaq-dhaqaaqii gaadiidka, kaddib markii ay biyuhu xireen waddooyinka, taas oo keentay in dad badan ay ku xayirmaan meelihii ay ku sugnaayeen.

Qaar kamid ah shacabka ku nool Banaadir ayaa si kulul uga cabanaya xaaladda biyo fariisinta, iyagoo ku eedeeyay maamulka gobolka inuusan wax ka qaban dhibaatada soo noqnoqotay ee ka dhalata roobabka, gaar ahaan xilli kasta oo roobabku da’aan.

Dhanka kale, waxaa la tilmaamayaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Xuseen Muungaab, uu xalay hadal ka jeediyay goob fagaare ah oo uu ku weeraray siyaasiyiinta mucaaradka, halka shacabka qaar ay dhaliilayaan in maamulka uu ka gaabiyay wax ka qabashada adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka reer Muqdisho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *