LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dad ku dhintay Koronto ka Dhalatay Roobab ka Da’ay Muqdisho

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib koronto ka kacday qeybo kamid ah degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhacdadan ay timid kaddib markii roobab xooggan ay saacadihii u dambeeyay ka da’een caasimadda, kuwaas oo sababay biyo fadhiya waddooyinka isla markaana saameeyay fiilooyinka korontada.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dadka geeriyooday ay haleeshay koronto ku fiday biyaha roobka, xilli ay marayeen ama ku sugnaayeen meelaha ay biyuhu buuxsameen. Sidoo kale waxaa jira dad kale oo la sheegay in ay ka badbaadeen shilka, balse qaba dhaawacyo kala duwan.

Maamulka degmada iyo hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay dhacdadan, hase yeeshee waxaa socda dadaallo lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen roobabka iyo biyaha ku fatahay xaafadaha qaar.

Dhacdadan ayaa mar kale muujineysa halista ka dhalan karta isku dhaca roobabka iyo korontada, gaar ahaan marka aan si wanaagsan loo ilaalin nidaamka fiilooyinka iyo kaabayaasha korontada ee magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *