Saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo dhaweeyay Taliye Caddow Maxamed Cabdi iyo ciidamo uu hoggaaminayo, kuwaas oo ku biiray howlgalka militari ee maamulkaasi, sida lagu sheegay war kasoo baxay maamulka.

Soo dhaweynta ayaa ka dhacday xarun ku-meel-gaar ah oo loogu talagalay hoggaaminta howlgalka uu maamulka Laftagareen ku tilmaamay mid dib loogu xoreynayo deegaannada Koonfur Galbeed.

Wafdiga soo dhaweynta sameeyay waxaa hoggaaminayay wasiirka amniga gudaha ee maamulka, waxaana ka qaybgalay wasiirka warfaafinta, guddoomiyaha degmada Baydhabo ee maamulkaasi magacaabay, saraakiil ciidan iyo waxgarad taageersan Laftagareen.

Sida lagu sheegay bayaanka maamulka, Taliye Caddow Maxamed Cabdi ayaa hore uga tirsanaa guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo hoos tagta qaybta 60-aad.

Maamulka ayaan shaacin tirada ciidamada uu hoggaaminayo Taliye Caddow ee ku biiray, mana faahfaahin waqtiga uu ka baxay xilkiisii hore.

Mas’uuliyiinta maamulka ayaa soo dhaweeyay tallaabada uu qaaday taliye Caddow iyo ciidamadiisa, iyagoo sheegay inay gacan ka geysan doonto mideynta ciidamada, xoojinta amniga iyo dib u soo celinta xasilloonida iyo awoodda maamulkooda ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Ku biiritaanka ciidamadan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan dhaqdhaqaaqyada militari iyo loollanka siyaasadeed ee la xiriira gacan-ku-haynta maamulka Koonfur Galbeed.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version