Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Qatar ee Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al-Nuaimi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo labada dhinac si gaar ah uga wada hadlay ballaarinta iskaashiga dhinacyada horumarinta, maalgashiga iyo tayeynta hay’adaha dowladda.
Cali Balcad ayaa dowladda Qatar uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira xasilloonida, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta labada dowladood, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo danaha labada dal iyo arrimaha gobolka.
