Madaxda Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Sudan ayaa kulan afar dhinac ah oo shalay ka dhacay magaalada Al-Calameyn ku gaaray mowqif mideysan oo ku saabsan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Bayaan wadajir ah oo laga soo saaray kulanka ayaa lagu sheegay in afarta dal ay taageerayaan midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo si cad u diiday aqoonsi ama taageero loo fidiyo Somaliland, taasoo ay ku tilmaameen arrin dhaawac ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxda afarta dal ayaa sidoo kale taageeray dadaallada Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada, waxayna ugu baaqeen beesha caalamka in la xoojiyo taageerada AUSSOM iyo ciidamada Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay amniga Badda Cas, iyadoo madaxdu ay adkeeyeen in mas’uuliyadda amniga iyo maamulka Badda Cas ay si gaar ah u saaran tahay dalalka ku teedsan Badda Cas.

Afarta dal ayaa isla markaana isku raacay in kulamo noocan ah si joogto ah loo qabto, lana sameeyo hannaan lagu dabagalo go’aannada kasoo baxa shirarka. 

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version