Muqdisho (Banaadir24) —Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin lagu dilay deegaanka Weeydow, kaddib muran la sheegay inuu ka dhashay xabad sigaar ah.
Xogta hordhaca ah ee laga helayo dhacdadan ayaa tilmaamaysa in marxuumka loo dilay xabad sigaar ah darteed, iyadoo ninka dilka geystay lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya (NISA).
Wararka ayaa intaas ku daraya in eedeysanuhu uu goobta ka baxsaday kaddib dilka, isaga oo la sheegay inuu dhex maray ciidamo dowladda ka tirsan oo ku sugnaa bar-koontarool ku dhow goobta, kuwaas oo aan wax tallaabo ah ka qaadin ka hor inta uusan baxsan.
Dhacdadan ayaa dhalisay caro xooggan oo ay muujiyeen dadka deegaanka, kuwaas oo isugu soo baxay goobta dilku ka dhacay. Shacabka ayaa ka cabanaya dilka iyo sida uu eedeysanuhu uga baxsaday goobta, iyadoo la sheegay in qaar ka mid ah dadka dibadbaxa dhigaya ay xireen waddada, iyaga oo dalbanaya in tallaabo laga qaado cidda falka geysatay.
Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo laga helay hay’adaha amniga oo xaqiijinaya faahfaahinta dhacdada, aqoonsiga marxuumka iyo tallaabooyinka laga qaaday eedeysanaha.

