Muqdisho (Banaadir24) – Dowladda Masar ayaa diyaargarow xooggan ugu jirta in ciidamo milatari ah ay u soo dirto Soomaaliya, iyadoo saraakiil iyo kooxo farsamo oo ka tirsan milatariga Masar ay ka shaqeynayaan qorshaha ciidamadan loogu soo daad-gureynayo dalka.
Wargeyska The New Arab ayaa qoray in diyaarinta ciidamadan ay qeyb ka tahay iskaashiga milatari iyo amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, kaas oo sii xoogeysanayay tan iyo markii labada dal ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi milatari sanadkii 2024-kii.
Warbixintu waxay sheegtay in ciidamada Masar la filayo inay ka qeyb qaataan howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee ciidamada la keenayo.
Deegaanka la filayo in la geeyo
Sida ay warbixintu tilmaantay, ciidamada Masar ayaa la filayaa in la geeyo deegaanka Ceelcade ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu hore ugu yaallay garoonka diyaaradaha Cisiley, meel ku dhow duleedka waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli ay Soomaaliya wajaheyso caqabado amni, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyo xiisadaha sii kordhaya ee Geeska Afrika.
Maxay Masar ka rabtaa Soomaaliya?
Saraakiil iyo falanqeeyayaal Masri ah ayaa sheegay in joogitaanka milatari ee Masar uu la xiriirayo danaha amni ee dalkaas, ilaalinta marin-biyoodka Badda Cas iyo marinka Baabul-Mandab, iyo xoojinta saameynta ay ku leedahay gobolka.
Sidoo kale, Masar waxay si joogto ah u muujisay taageerada ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada dowladood ay sare u qaadeen xiriirkooda heer iskaashi istaraatiiji ah.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo dhiggiisa Masar, Cabdifitaax Al-Sisi, ayaa kulamo dhowr ah yeeshay labadii sano ee la soo dhaafay, kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal.
Xiisadaha Geeska Afrika
Qorshaha ciidamada Masar ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan loollanka istaraatiijiga ah iyo xiisadaha u dhexeeya Masar iyo Itoobiya, gaar ahaan muranka biyaha webiga Niil iyo dadaallada Itoobiya ee helitaanka marin-badeed.
Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in joogitaanka Masar ee Soomaaliya uu yeelan karo saameyn amni iyo mid istaraatiiji ah oo ka baxsan labada dal, maadaama Soomaaliya ay ku taallo meel muhiim u ah isu-socodka ganacsiga caalamiga ah iyo marin-biyoodka Badda Cas.
Si kastaba, tirada ciidamada Masar, waqtiga rasmiga ah ee ay imaanayaan iyo faahfaahinta howlgalka weli si rasmi ah looma shaacin, sida ay sheegtay warbixinta The New Arab.
