Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo habeenimadii Khamiista, 01-da Oktoobar 2026, ka dhacay degmada Jilib ku dilay Bashiir Axmed Xaaji Nuunow, oo ahaa horjoogihii hore ee kooxda dhagarta wax ku disha ee Khawaarijtu ugu yeerto Amniyaadka, xilkaas oo uu hayay intii u dhexeysay sannadihii 2016 ilaa 2024. Bashiir ayaa sidoo kale adeegsan jiray magacyada afgarashada Geescadde, Fanax, Gardhuub iyo Cali Dheere.

Horjooge Bashiir Nuunow waxa uu muddo dheer ka mid ahaa horjoogeyaasha sare ee Khawaarijta, isaga oo door weyn ku lahaa qorsheynta iyo fulinta weerarro lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed. Dhagarihii uu ku lugta lahaa waxaa ka mid ahaa weerarkii 14-kii Oktoobar 2017 ee Isgoyska Soobe, weerarkii Ex-Control Afgooye, weerarkii Soobe 2, iyo weerarro kale oo ka dhacay hoteello iyo goobo kala duwan oo ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah tallaabooyinka joogtada ah ee NISA, oo kaashanaysa saaxiibada caalamka, ay ku baacsanayso horjoogeyaasha Khawaarijta ee ku lugta lahaa daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, laguna burburinayo shabakadaha ay u adeegsadaan qorsheynta, abaabulka iyo fulinta weerarrada argagixisada.

Dilka Horjooge Bashiir Axmed Xaaji Nuunow wuxuu dhabar-jab ku yahay hoggaanka iyo shabakadaha dhagarta ee Khawaarijta, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada loogu aargudayo shacabka Soomaaliyeed ee ay Khawaarijtu ku laayeen weerarrada iyo qaraxyada argagixiso.

Share.
Leave A Reply

Exit mobile version