Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ku eedeeyay inay dhiirrigelinayso gooni-isu-taagga Somaliland, isagoo sheegay in arrintan ay qayb weyn ka tahay xumaanshaha xiriirkii dhowaa ee Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Xasan Sheekh oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in Imaaraadku uu horey u ahaa saaxiib muhiim ah oo Soomaaliya kala shaqeynayay arrimaha amniga, balse uu muddooyinkii dambe si weyn ugu dhowaaday Somaliland, halkii uu taageeri lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.
“Iyaga ayaa ah qodobka ugu weyn ee dhiirrigelinaya Somaliland inay ka go’do Soomaaliya, mana garanayo sababta ay sidaas u sameynayaan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Eedeyntan ayaa timid sagaal bilood kadib markii Soomaaliya ay baabi’isay heshiisyadii ay la gashay Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo la xiriiray amniga iyo difaaca, iyo sidoo kale heshiisyo ku saabsanaa dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo.
Inkasta oo heshiisyadaasi la kansalay, haddana xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo UAE weli wuu taagan yahay.
“Weli xiriir ayaan la leenahay Imaaraadka, mana aanan jarin. Safaaraddeennu halkaas ayay ku taallaa, safaaraddooduna halkan ayay joogtaa, balse waxaan baabi’inay dhammaan heshiisyadii naga dhexeeyay, kuwaas oo badankoodu ahaa dhinacyada amniga iyo difaaca,” ayuu yiri madaxweynaha.
Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u sheegay inuu taageerayo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, mana uusan si cad u shaacin inuu taageerayo madax-bannaanida Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer Imaaraadka kala hadashay walaaca ay ka qabto xiriirka iyo tallaabooyinka Abu Dhabi ee Somaliland.
“Waan isku daynay. Waxaan u soo bandhignay caddeymo, waan kala hadalnay arrinta, balse nasiib darro nama aysan dhageysan,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

