Xog laga helay gudaha Koonfur Galbeed ayaa iftiimisay xaaladda ciidamada Darawiishta ee taabacsan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Laftagareen, kuwaas oo la sheegay inay helaan sahay iyo agab ciidan oo joogto ah.
Warbixin gaar ah oo laga soo tebiyay gudaha ayaa sheegaysa in ciidamada Darawiishta ay si joogto ah u helaan raashin, mushaharkoodana waqtigiisa loo bixiyo, iyadoo sidoo kale lagu arkay hub iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo loo yaqaan drones, kuwaas oo la sheegay in dhawaan lagu soo kordhiyay awoodda ciidamada.
Sida xogta lagu sheegay, ciidamada Darawiishta ayaa xilligan haysta sahay iyo qalab ciidan oo ka wanaagsan kuwa ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada Baydhabo. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaamaysaa in ciidamadaasi ay muujiyeen niyad iyo isku-kalsooni sare marka loo eego ciidamada federaalka ee halkaasi ku sugan.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan isha dhaqaalaha lagu taageerayo ciidamada Darawiishta, gaar ahaan marka la eego joogteynta raashinka, bixinta mushaharka, helitaanka hubka cusub iyo adeegsiga drones-ka.
Xogta la helay waxay sidoo kale muujinaysaa in heerka sahayda iyo taageerada la sheegay uu noqon karo mid ka sarreeya awoodda maalgelin gudaha oo keliya lagu sii wadi karo, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan haddii ay jiraan ilo kale oo taageero dhaqaale ama agab ciidan ah.
Si kastaba ha ahaatee, lama hayo ilaa hadda caddeyn rasmi ah oo qeexaysa halka ay ka imaanayaan dhaqaalaha, hubka iyo qalabka cusub ee ciidamada Darawiishta, mana cadda cidda si gaar ah u maalgelisa ama u fududeysa helitaanka sahaydaasi.
Xogtan ayaa imanaysa xilli ay magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed ka taagan yihiin loollan siyaasadeed iyo amni, iyadoo awoodda ciidamada iyo cidda gacanta ku haysa khayraadka amniga ay kamid yihiin arrimaha sida weyn loo hadal hayo.
