Muqdisho (Banaadir24) – Dowladda Hindiya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray amniga badda, la-dagaallanka argagixisada iyo tayeynta awoodda hay’adaha amniga Soomaaliya.
Wadahadalladan ayaa dhexmaray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Xoghayaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Sripriya Ranganathan, oo booqasho rasmi ah ku timid magaalada Muqdisho.
Labada dhinac ayaa sidoo kale is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan xaaladda amni ee gobolka iyo fursadaha lagu sii xoojin karo xiriirka iskaashi ee labada dal.
Booqashada Ranganathan ayaa ah booqashadii ugu horreysay ee heer sare ah oo mas’uul ka socda Hindiya uu Soomaaliya ku yimaado sannadihii u dambeeyay, taasoo muujineysa dadaallada labada dowladood ee dib loogu xoojinayo xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.
Intii ay Muqdisho ku sugneyd, Ranganathan ayaa sidoo kale kulamo la yeelatay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo laga wada hadlay iskaashiga ganacsiga, caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Labada dowladood ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo hannaan wada-tashi joogto ah oo dhexmara wasaaradaha arrimaha dibadda, si dib loogu eego loona horumariyo xiriirka labada dal.
Hindiya iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah, kaasoo salka ku haya ganacsiga iyo isku xirka badda Hindiya. Xiriirkooda diblomaasiyadeed waxaa si rasmi ah loo aasaasay sannadkii 1960-kii.
