Cadale (Banaadir24) – Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya laba beelood oo walaalo ah uu dib uga qarxay deegaanka Ceelxarar ee degmada Cadale.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu u dhexeeyo laba jilib oo ka tirsan hal beel-weyn, iyadoo sidoo kale iska horimaadyo u dhexeeya dhinacyadan laga soo sheegay deegaanka Koogaar ee isla degmada Cadale.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaallada ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya, hase yeeshee weli si rasmi ah looma xaqiijin tirada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay.
Degmada Cadale iyo deegaannada ku dhow ayaa muddooyinkii dambe la kulmayay colaad beeleedyo soo noqnoqday, kuwaas oo salka ku haya muranno iyo loollan muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya beelaha deegaanka.
Dib u soo cusboonaaday dagaalladan ayaa walaac ka abuuraya xaaladda amni ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo laga cabsi qabo in colaadda ay sii faafto, saameynna ku yeelato nolosha shacabka iyo xasilloonida deegaannadaasi.
