Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Saadiq Abshir Garaad, ayaa faahfaahin ka bixiyey habsami u socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee maanta ka bilowday dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Saadiq Abshir Garaad ayaa sheegay in doorashada Galmudug ay ka socoto 178 goobood oo ku yaalla 11 degmo, iyadoo codkooda dhiibanaya 267,420 cod-bixiye, kuwaas oo kala dooranaya 12 urur siyaasadeed.
Dhinaca Hirshabeelle, wuxuu sheegay in codbixintu ay ka bilaabatay 103 goobood oo ku yaalla 10 degmo, halkaas oo ay ka codeynayaan 152,763 cod-bixiye, kuwaas oo kala dooranaya 14 urur siyaasadeed.
Guddoomiye Saadiq ayaa sheegay in goobaha codbixintu ay xirmayaan 6:00 fiidnimo ee maanta, 30-ka September. Waxa uu xusay in dadka waqtiga xiritaanka safafka ku jira loo oggolaan doono inay codkooda dhiibtaan, iyadoo hawlwadeennada guddiga ay u adeegayaan cod-bixiyeyaasha safafka ku jira.
Sidoo kale, Guddoomiye Saadiq ayaa sheegay in ilaa hadda aysan jirin wax dhacdo ah oo wax u dhimaysa amniga ama hannaanka doorashada, dhammaan goobaha codbixintana ay si caadi ah uga socoto.
Wuxuu u mahadceliyey ciidamada ammaanka, guddiyada doorashooyinka iyo dhammaan dhinacyada ka qeyb qaadanaya sugidda iyo hirgelinta doorashada.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in tirinta codadka la bilaabi doono caawa, kaddib marka ay soo xirmaan goobaha codbixintu.
