Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa darajada Sarreeye Gaas u dalacsiiyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, kaas oo muddo siddeed bilood gudahood ah la sheegay inuu laba jeer dallacsiin helay.
Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa billowgii sanadkan ku magacaabnaa darajada Gaashaanle Sare, balse muddada siddeedda bilood ah ayuu ku gaaray darajada Sarreeye Gaas, iyadoo dallacsiimihiisa ay ku jiraan darajooyinka Guuto iyo Gaas.
Dallacsiintan ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan habraaca dallacsiinta saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka, muddada u dhexeysa darajooyinka iyo shuruudaha lagu saleeyo dallacsiinta hoggaanka milatariga.
Dhanka kale, tallaabadan ayaa dood ka abuuri karta sida loo qiimeeyo khibradda, muddada adeegga iyo waxqabadka saraakiisha loo dallacsiinayo jagooyinka ugu sarreeya ee ciidanka.
Maxaa laga fahmi karaa dallacsiintan degdegga ah, maxayse ka dhigan tahay marka la eego habraaca dallacsiinta saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka?


